SAFARICOM IYO VISA AYAA SOO SAARAY KAAR DIGITAAL AH

SAFARICOM IYO VISA AYAA SOO SAARAY KAAR DIGITAAL AH

Shirkadda Isgraarsiinta Kenya ee Safaricom iyo Visa ayaa iska kaashaday in ay soo saaraan Virtual Card maalintii khamiista ahayd, kaarkaan ayaa waxaa loo isticmaali doonaa lacag bixinta adeegga M-Pesa ee Safaricom.

Sida lagu sheegay bayaan ay soo saartay Safaricom kaararka cusub ee (M-Pesa Visa Card) waxaa uu macaamisha Kenya u ogolaan doonaa ina ay wax kaga iibsadaan goobaha ganacsiga Kenya iyo in ka badan 200 oo waddan iyada oo loo marayo Shirkadda caalamiga ah ee Visa.

“M-PESA waxa ay shan iyo tobankii sano ee la soo dhaafay ku jirtay adeegga  lacagaha xawilaadda fudud ee mobile ka, tani waxay wadada u xaartay adeegyo badan oo hal abuur leh iyo anagoo kaashanayna Visa si aan u bixino kaarka casriga ah ee M-PESA GlobalPay Visa, waxaan raadineynaa inaan ka gudubno farqiga u dhexeeya macaamiisheena jecel inay isticmaalaan M-PESA meel kasta oo adduunka ah, “ayuu yiri. Peter Ndegwa, maamulaha guud ee Safaricom.

Isagoo ka hadlayay intii lagu guda jiray furitaanka madaxweyne ku xigeenka Visa iyo Maareeyaha Guud ee Bariga Afrika Corine Mbiaketcha ayaa sheegay in Visa ay ka go’an tahay in ay ballaariso nidaamka lacag bixinta ee Afrika oo dhan iyada oo u furaysa suuqa caalamiga ah macaamil kasta.

“Safaricom waxay mar hore wax ka bedeshay sida lacagtu u socoto ee Kenya, waxaana ku faraxsanahay inaan ka wada shaqayno sidii aan u horumarin lahayn wax soo saar cusub iyo adeegyo lacag bixin ah oo meesha ka saari kara caqabadaha ganacsiga caalamiga ah ee ganacsatada iyo macaamiisha ee Afrikada Saxaraha ka hooseeya iyada oo loo marayo raad-raac caalami ah oo Visa ah.” ayay tidhi.

CATEGORIES
Share This

COMMENTS

Wordpress (0)
Disqus ( )