MAKHAAYADAHA MCDONALD EE RUUSHKA AYAA DIB U FURMAY IYAGOO WATA MAGAC CUSUB

MAKHAAYADAHA MCDONALD EE RUUSHKA AYAA DIB U FURMAY IYAGOO WATA MAGAC CUSUB

Makhaayadihii hore ee McDonald’s ee caasimada Ruushka ayaa dib loo furay iyagoo wata magaca cusub ee ah Vkusno & tochka. Tani ayaa looga dan leeyahay in ay sii jiraan cuntooyinkii ay samayn jirtay McDonald.

McDonald ayaa ku dhawaaqday in ay ka baxday suuqa Ruushka bishii May ayagoo sheegay in ay iibin doonaan 850 makhaayadood oo ku yaal dhammaan dalka Ruushka sabab la xiriirta duulaanka Ruushka ee Ukraine.

McDonald ayaa ku biirtay shirkadaha reer galbeedka oo faarujiyay suuqa Ruushka ka dib markii dagaalada ay ka bilowdeeb gobolka.

Axadii maqaayada cusub ayaa ka furtay 15 xarumooda magaalada Moscow,  Vkusno & tochka waxay qorsheynayaan inay ugu dambeyntii dib u furaan dhammaan 850 ka xarumood.

CATEGORIES
Share This

COMMENTS

Wordpress (0)
Disqus ( )