
SHIRKADDA APPLE AYAA KU DHAWAAQDAY “HADDA IIBSO BERI BIXI” EE APPLE PAY LATER.
Shirkadda Apple ayaa ku dhawaaqday qorsho ay ku bilaabayso “Hadda iibso beri Bixi” adeegan waxaa lagu magacaabaa Apple Pay Later.
Apple ayaa qorsheeyneysa inay ku biirto suuqa lacag bixinta ee ah “Hadda iibso Beri Bixi” sida lagu sheegay ogeysiis ka soo baxay Shirweynihii Horumarinta Adduunka ee Isniintii. Shirkadda weyn ee tiknoolajiyadda ayaa qorshaynaysa in ay bilawdo Apple Pay Later, adeeggaas oo lagu dhex dari doono Apple Pay.
Apple Pay Later waxa uu diyaar ku noqon doonaa iOS 16 kaasi oo la filayo in loo sii daayo dadweynaha September 2022.
Apple Pay waxa u oggolaan doonaa isticmaalayaasha Apple inay ku bixiyaan kharashka wax ku iibsashada mudo lix todobaad gudahood waxaana loo bixin doonaa afar qaybyood oo isla eg, marka ugu horaysa iibsadhada waxa uu bixin doonaan hal qayb, laba todobaad ka dib waxaa la bixin doonaa hal qayb, adeegaan malahan wax dulsaar ah. Adeegan waxa kaliya uu ku shaqayn doonaa online iyo iibsadhada application ka ee kuma shaqayn doono wax kala iibsiga barta iibka (Point of Sale).