
KENYA OO LABA SANO KADIB DIB U BILAABAYSA DHOOFINTA QAADKA SOOMAALIYA.
Soomaaliya ayaa ogolaatay in ay qaado xayiraadii saarneyd Qaadka ka imaan jiray dalka Kenya in ka badan 2 sano sida uu Jimcihii ku dhawaaqay Wasiirka Beeraha ee Kenya.
Warkan oo soo baxay maalin ka dib markii madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta uu booqasho ku yimid magaalada Muqdisho oo lagu caleema saarayay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Wasiirka Beeraha ee dalka Kenya Peter Munya ayaa Jimcihii shalay ku dhawaaqay in labada dal ay ku heshiiyeen heshiisyo ganacsi oo mid ka mid ah uu Kenya u ogolaanaya in ay dib u soo celiso Dhoofinta Miiraaga halka Soomaaliya kalluun iyo alaabooyin kale ay u iib gayn doonaan Kenya.
Heshiisyadan waxaa la saxiixi doonaa “labo toddobaad gudahood”, ayuu yidhi.
CATEGORIES Ganacsi