SHARCI DEJIYAYAASHA EU-DA AYAA U CODEEYAY IN LA MAMNUUCO BAABUURTA SHIDAALKA KU SHAQAYSA LAGA BILAABO 2035.

SHARCI DEJIYAYAASHA EU-DA AYAA U CODEEYAY IN LA MAMNUUCO BAABUURTA SHIDAALKA KU SHAQAYSA LAGA BILAABO 2035.

SHARCI DEJIYAYAASHA EU-DA AYAA U CODEEYAY IN LA MAMNUUCO BAABUURTA SHIDAALKA KU SHAQAYSA LAGA BILAABO 2035.

Sharci dejiyayaasha Yurub ayaa u codeeyay in la mamnuuco iibinta baabuurta cusub ee naftada iyo shidaalka ku shaqeeya ee Midowga Yurub laga bilaabo 2035, taasoo ka dhigan talaabo muhiim u ah gobolka sida loo yarayn lahaa qiiqa.

Arbacadii 339 xubnood oo ka tirsan baarlamaanka Yurub ayaa u codeeyay qorshahan kaasi oo ay soo jeediyeen Komiishanka Yurub laanta fulinta, 249 cod ayaa diiday hindisaha halka 24 xildhibaan ay ka aamuseen.

Waxay Midowga Yurub qaadaysaa tallaabo ku dhow yoolkeeda ah inay 100% ka jarto qiiqa baabuurta rakaabka cusub iyo kuwa fudud ee ganacsiga 100% sanadka 2035, marka la barbar dhigo 2021. Marka la gaaro 2030 yoolku waa dhimis 50% qiiqa baabuurta waaweyn iyo 55% baabuurta yar yar.

Komiishanku wuxuu horey u sheegay in baabuurta rakaabka ah iyo kuwa yar yar ay yihiin qiyaastii 12% iyo 2.5% wadarta guud ee CO2 ee EU-da. Xubnahan ayaa hadda wada xaajoodyo ku saabsan qorshayaasha la geli doona 27-ka waddan ee xubnaha ka ah ururka.

Dhanka kale, U.K. waxa ay doonaysaa in ay joojiso iibinta baabuurta cusub ee naftada iyo shidaalka 2030. Waxaa loo baahan doontaa laga bilaabo 2035 dhammaan baabuurta cusub iyo kuwa waawayn in aysan lahayn wax qiiq ah.

U.K ayaa ka baxay Midowga Yurub Jan. 31, 2020.

CATEGORIES
Share This

COMMENTS

Wordpress (0)
Disqus ( )