
UAE WAXAY JOOJINAYSAA DHOOFINTA QAMADIGA HINDIYA MUDDO AFAR BILOOD AH
Wakaalladda Wararka ee WAM ayaa sheegtay Arbacadii shalay Dowladda Imaaraadka Carabta inay amar ku bixisay in muddo afar bilood ah la hakiyo Dhoofinta iyo dib u Dhoofinta Qamadiga iyo Daqiiqda laga keeno Hindiya.
Wasaaradda dhaqaalaha ee Khaliijka ayaa sababta ku sheegtay hakadka ku yimid isu socodka ganacsiga adduunka, balse waxa ay intaa ku dartay in Hindiya ay ogolaatay in loo dhoofiyo dalka Imaaraatka qamadiga si gudaha loogu isticmaalo.
Hindiya ayaa si lama filaan ah u mamnuucday dhoofinta sareenka 14-kii May.
Shirkadaha doonaya inay dhoofiyaan ama dib u dhoofiyaan sarreenka Hindiya ee la keenay UAE ka hor May 13 markii joojinta India ay bilaabatay waa inay marka hore codsi u gudbiyaan wasaaradda dhaqaalaha ayaa lagu yidhi bayaan.
CATEGORIES Ganacsi