
TANZAANIYA AYAA CANSHUUR KU SOO ROGI DOONTA SHIRKADAHA DIGITALKA
Shirkadaha digitalka ah ee ka shaqeeya Tanzaaniya ayaa lagu soo rogi doonaa canshuur boqolkiiba laba ( 2% ) bisha luulyo ee sanadkan.
Wasiirka maaliyadda iyo qorsheynta ee Tansaaniya Mwigulu Nchemba ayaa qorshan canshuurta hordhigay golaha baarlamaanka maalintii Talaadada ahayd inta lagu guda jiray soo jeedinta miisaaniyad sanadeedka.
Soo jeedintan ayaa sugaysa ansixinta baarlamaanka ka hor inta aan la hirgelin.
“Maamulka Cashuuraha Tansaaniya waxa ay samayn doonaan nidaam diwaangelin fudud oo loogu talagalay shirkadaha dijitalka ah ee aan joogin Tansaaniya,” ayuu yiri Nchemba.
“Tani waa in lala socdo kobaca deg dega ah ee dhaqaalaha dijitaalka ah,” ayuu raaciyay.
Ku dhawaaqistan ayaa waxa ay daba socotaa wadahadal bishii Abril dhex maray maamulka canshuuraha Tansaaniya iyo shirkadda weyn ee Meta ee Mareykanka oo ah shirkaddaha Facebook, Instagram iyo WhatsApp.
Wadamo badan ayaa soo rogay canshuuraha noocaas ah iyagoo aaminsan in shirkadaha dijitalka ah ee faa’iidada ka sameeya dalalkooda ay tahay inay sidoo kale bixiyaan canshuur.
Bilowgii bishii Oktoobar 136 waddan ayaa ku heshiiyey heshiis canshuureed oo hoos yimaada Ururka Iskaashiga Dhaqaalaha iyo Horumarinta (OECD).