
SHOPRITE AYAA KA BAXDAY SUUQA TAFAARIIQDA EE NIGERIA 15 SANO KADIB.
16 sano ka dib markii laga furay xaruntii ugu horeysay ee Nigeria, Shoprite oo ah xarun tafaariiqda cuntada ugu weyn Afrika waxaa la wareegay hawlaheeda Nigeria shirkad ay leeyihiin koox maalgashadayaal maxalli ah oo ay hogaaminayaan shirkadda hantida ee Persianas Investment, Ketron. Iibsaduhu waxa uu damacsan yahay in uu u beddelo lahaansho ganacsi ah. Shoprite waa ganacsigii ugu dambeeyay ee Koonfur Afrika laga leeyahay ee ka baxa wadamada Galbeedka Afrika.
Ketron ayaa sheegtay in ay wado qorshayaal ay ku furayo xarumo cusub oo Shoprite ah oo soo bandhiga badeecooyin badan oo Nigeria lagu sameeyo. Shoprite Koonfur Afrika ayaa leh 2.843 dukaanno ganacsi oo ka shaqeeya 15 waddan.
Tani waxa ay ka dhigan tahay in ay leedahay 35 milyan oo macaamiil ah oo jooga qaaradda Afrika iyo jasiiradaha badweynta Hindiya.