
THAILAND AYAA SOO BANDHIGTAY SHARCI CUSUB OO ATM-YADA LA XIRIIRA
THAILAND AYAA SOO BANDHIGTAY SHARCI CUSUB OO LOOGU TALAGALAY MASHIINNADA ATM-KA
Nofeembar 15, dadka lacagta caddaanka ah ku shuba koontada bangiyada iyagoo isticmaalaya mashiinnada lacagta ee ATM ka ee Thailand waxaa laga rabI doonaa inay geliyaan credit kaarka bangiga iyo PIN-ka si ay u xaqiijiyaan aqoonsigooda.
Xafiiska La-dagaalanka Lacag-dhaqidda (AMLO) ayaa sheegay in shuruudda aqoonsiga cusub ay tahay hab badbaado si looga hortago lacagaha la dhaqay ee laga helo ka ganacsiga daroogada, khamaarka, iyo fal-dembiyeedyada kale.
Dadka koonto ku leh bangiyada ee aan lahayn kaararka (Debit & Credit) waxay lacagaha kaga shubi karaan xarumaha bangiyada sida ay sheegtay AMLO.
Hadda uma baahnid inaad geliso kaarkaaga si aad lacag u dhigto koonto adigoo isticmaalaya mashiinka ATM-ka. Haddii aad taqaano nambarka koontada qofka waxaad ku shubi kartaa lacag caddaan ah akoonkiisa.
Ilaa hadda, 11 bangi ganacsi ayaa si rasmi ah u dhaqan geliyay sharcigan cusub waxaana ka mid ah: Krung Thai Bank, Siam Commercial Bank, Kasikorn Bank, Bangkok Bank, Bank of Ayudhya, TMB Thanachart Bank, UOB Bank, CIMB Bank, Bangiga Keydka Dowladda, Bangiga Guriyeynta Dowladda iyo Bangiga Kiatnakin Phatra.