UN: IN KA BADAN 4 MILYAN OO KENYAN AH AYAA LEH CRYPTO

UN: IN KA BADAN 4 MILYAN OO KENYAN AH AYAA LEH CRYPTO

Dadwaynaha Kenya ayaa leh saamiga ugu badan ee lacagaha loo yaqaan ‘cryptocurrencies’ qaarada Afrika sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Warbixin ay soo saartay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan ganacsiga iyo horumarinta ee UNCTAD ayaa lagu sheegay in boqolkiiba 8.5 dadweynaha ama 4.25 milyan oo qof ay dalka ku leeyihiin lacagaha loo yaqaan cryptocurrencies.

Tani waxay Kenya ka hor marinaysaa dalalka dhaqaalahoodu horumaray sida; Maraykanka oo kaalinta lixaad ku jira iyadoo 8.3 boqolkiiba dadkiisu ay leeyihiin lacagaha dijitaalka ah.

Ukraine oo ay dagaalladu ragaadiyeen ayaa ku jirta kaalinta ugu sarreysa, iyadoo boqolkiiba 12.7 ay dadka ku leeyihiin lacagta loo yaqaan ‘cryptocurrencies’, waxaana ku xiga Ruushka (11.9 boqolkiiba), Venezuela (10.3 boqolkiiba) iyo Singapore (9.4 boqolkiiba).

CATEGORIES
Share This

COMMENTS

Wordpress (1)
  • comment-avatar
    Mareya 11 months

    Your writing style is concise and clear, making it easy for readers to understand the key points. To explore further, click here.

  • Disqus ( )