
SNAP AYAA KU DHAWAAQDAY SNAPCHAT+ KAASI OO QIIMIHIISU YAHAY $3.99 BISHII
Shirkadda Snap ayaa ku dhawaaqday Arbacadii inay soo saarayo qorshe isdiiwaangelin ah oo dhan $3.99/bishii waxa uu heli doonaa isticmaalaha adeegyo gaar ah, adeegaasi waxaa loo yaqaan Snapchat+.
Snapchat+ waxa ay ka caawin kartaa shirkadda in ay kala duwanaato ilaha dakhliga, in kasta oo madaxweyne ku xigeenka sare ee Snapchat ee alaabada Jacob Andreou uu u sheegay Verge in shirkadu aanay filaynin in qorshuhu uu noqdo “il dakhli oo cusub.”
Saamiyada Snapchat ayaa hoos u dhacay 1% 11 subaxnimadii Arbacada.
Qorshaha Plus waxa ka mid ah sii-deyn horre, tijaabo iyo astaamo gaar ah sida in aad saaxiibkaa kuugu dhow ku dhejiso BFF (saaxiibka ugu wanagsan weligiis) iyo habaynta astaanta abka. Waxaa loogu talagalay “xubnaha ugu xiisaha badan” ee isticmaalayaasha Snapchat, shirkaddu waxay tiri.
Goobaha kale ee warbaahinta bulshada ayaa sidoo kale soo bandhigay adeegyo isdiiwaangelin dhawaan. Twitter sanadka 2021 waxa uu ku dhawaaqay $2.99 bishii. Telegram waxa uu soo bandhigay Telegram Premium bishii Juun.
Snapchat+ waxa uu arbacadii ka furmay Maraykanka, Canada, UK, France, Germany, Australia, New Zealand, Saudi Arabia iyo Imaaraadka Carabta.