
MAXKAMAD KU TAAL SWEDEN AYAA TAAGEERTAY MAMNUUCIDA HUWAWEI.
Maxkamad racfaan oo ku taal dalka Sweden ayaa Arbacadii taageertay go’aan ka soo baxay maxkamad hoose oo dalka ka mamnuucday in shirkadda Huawei ay ku iibiso qalabka 5G-ga, taasoo dhabar jab ku ah rajadii shirkadda isgaarsiinta Shiinaha ee ahayd inay soo laabato.
Sannadkii 2020 waaxda Boostada iyo isgaarsiinta Sweden PTS ayaa si lama filaan ah Huawei uga mamnuucay in ay qalab 5G ah siiso shirkadaha Sweden ee mobilada iyada oo loo cuskaday walaacyo dhanka amniga ah oo ay soo saartay waaxda amniga ee Sweden.
Arrintan ayaa ka dambeysay ka dib markii Mareykanka uu ku eedeeyay in Shiinuhu uu u isticmaali karo qalabka Huawei basaasnimo, dowladaha Yurubna ay ku daydaan iyagoo xoojiyay xakameynta shabakadaha 5G ee Shiinaha uu dhisay. Huawei ayaa beenisay inay qatar ku tahay amniga qaranka.
Sweden waxay ka codsatay shirkadaheeda isgaarsiinta inay ka saaraan qalabka ay sameeyeen Huawei iyo ZTE ka hor Jan. 1, 2025.
Qaybta Sweden ee Huawei ayaa bayaan ay soo saartay arbacadii ku sheegtay inay aad uga xun tahay xukunka ka soo baxay maxkamada racfaanka ee Stockholm.
“Waan falanqeyn doonnaa xukunka, waxaan qiimeyn doonnaa tillaabooyinka xiga ee waafaqsan sharciga Sweden iyo sharciga Midowga Yurub, si aan u sii wadno ilaalinta xuquuqdeena iyo danahayaga sharciga ah,” Huawei ayaa qortay.
Loolanka Sweden iyo Huawei ayaa sidoo kale horseeday in shirkadda Ericsson uu dib u dhac ku yimaado wadanka Shiinaha.
Dakhliga Ericsson ka soo gala Shiinaha ayaa hoos ugu dhacay ilaa 3% wadarta guud ee uu ka ahaa 10-11%, shirkadda Sweden waxaa lagu qasbay in ay hoos u dhigto hawlaheeda mid ka mid ah suuqyada ugu waaweyn.