BANGIGA DHEXE EE ITOOBIYA AYAA KA DIGAY KA GANACSIGA LACAGAHA DIJITAALKA AH.

BANGIGA DHEXE EE ITOOBIYA AYAA KA DIGAY KA GANACSIGA LACAGAHA DIJITAALKA AH.

Iyadoo Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe ay qaaday tallaabo geesinimo leh oo lagu sharciyeynayo lacagta dijitaalka ah (Bitcoin), bangiga dhexe ee Itoobiya ayaa Isniintii uga digay muwaadiniinta inaysan ku lug yeelan wax kala beddelasho “sharci darro ah” ee lacagaha dijitaalka ah.

Bangiga Qaranka ee Itoobiya (NBE) ayaa sheegay in lacagaha dijitaalka ah sida crypto-currencies iyo bitcoins aysan NBE u aqoonsan habka wax kala iibsiga iyo lacag bixinta sida ay sheegtay Fana Broadcasting Corporate (FBC).

“Lacagta qaranka Itoobiya waa Birr Itoobiya iyadoo wax kasta oo dhaqaalo ah oo Itoobiya ka socda lagu bixinayo Birr sida uu sharcigu qabo,” NBE ayaa ku tiri hadal ay soo saartay.

Baanka dhexe ayaa ka digay in lacagaha dijitaalka ah loo isticmaalo in lagu sameeyo dhaqdhaqaaq maaliyadeed oo aan rasmi ahayn iyo qorshayaal lacag-dhaqidda ah gudaha Itoobiya sida ay maanta sheegtay shabakadda wararka ee Ethiopian-ka.

NBE ayaa shacabka ugu baaqday in ay ka waantoobaan ka ganacsiga lacagaha dijitaalka ah isla markaana ay ku wargaliyaan maamulka marka ay arkaan wax kala iibsi sharci darro ah.

CATEGORIES
Share This

COMMENTS

Wordpress (0)
Disqus ( )