
GOOGLE AYAA KENYA KA FURAYSA XARUNTII UGU HORREYSAY EE HORUMARINTA & WAX SOO SAARKA AFRIKA
Google ayaa Nairobi u dooratay xaruntii ugu horeysay ee horumarinta iyo wax soo saarka qaaradda Afrika.
Ku dhawaaqistan waxaa la sameeyay ku dhawaad 7 bilood ka dib markii shirkadda weyn ee tiknoolajiyada ay shaaca ka qaaday qorshe maalgashi oo dhan 1 bilyan oo doolar oo lagu fulinayo mashaariic kala duwan oo Afrika ah shanta sano ee soo socota.
Shirkadda maraykanku waxay sheegtay inay shaqaaleysiin doonto in ka badan 100 khubaro dhanka tiknoolajiyada ah oo ay ku jiraan injineerada software ka, cilmi-baarayaasha iyo naqshadeeyayaasha labada sano ee soo socota si ay gacan uga geystaan xallinta caqabadaha farsamada.
Google ayaa hore uga furtay xarun caasimadda Ghana ee Accra sanadka 2019.