
SAAMIYADA SHOPIFY AYAA HOOS U DHACAY 15%
Shopify ayaa shaqada ka ceyrisay ku dhawaad 1,000 shaqaale ama 10% shaqaalaheeda caalamiga ah, shirkaddu waxay ku dhawaaqday Talaadadii. Saamiyada Shopify ayaa hoos u dhacay in ka badan 15%.
Shopify waxay lahayd in ka badan 10,000 oo shaqaale ah ilaa sanadkii hore December 31, 2021.
Shaqaale dhimista waxay saameyn doontaa dhammaan qaybaha Shopify, in kasta oo intooda badani ay yihiin qaybaha dad qorista, caawiye yaasha, iyo qaybta iibka, iyo “shirkada oo dhan”
Shirkadaha tiknoolajiyada ayaa ku dhawaaqayay shaqo ka fariisin iyada oo ay jirto hubaal la’aan dhaqaale iyo isbeddellada masiibada ah ee sii xumaanaya. Horaantii bishaan Google iyo Facebook labaduba waxay sheegeen inay dhimi doonaan shaqaalaysiinta. Shirkadaha ay ka mid yihiin Netflix iyo Coinbase ayaa ku dhawaaqay shaqo ka fariisin.