ITOOBIYA WAXAY U OGOLAATAY BANGIYADA KENYA INAY SOO GALAAN WADANKEEDA

ITOOBIYA WAXAY U OGOLAATAY BANGIYADA KENYA INAY SOO GALAAN WADANKEEDA

Itoobiya ayaa  qaaday tallaabo wayn oo albaabada u furaysa bangiyada Keenya  sida KCB Group inay ka shaqeeyaan waddankeeda.

Guddi loo xilsaaray sidii loo qaabayn lahaa habka ay bangiyada Kenya uga shaqayn karaan Itoobiya ayaa durba bilaabay inay wax ka bedelayaan xeer maaliyadeedka Itoobiya ee nus qarniga jiray.

Xeer cusub oo hagaya qaybta bangiyada dalka ayaa u ogolaan doona furitaanka qaybta maaliyadda, xeerkaan ayaan waxa uu diyaar noqon doonaa December 2022.

Arintaan  waa mid ka farxin doonta bangiyada ugu sarreeya Keenya sida Equity Group iyo KCB Group kuwaas oo muujiyay hamiga ay ku doonayaan in ay si buuxda uga hawlgalaan dalka dariska ah.

Waqtigan xaadirka ah Itoobiya waxa ay leedahay 18 shirkadood oo ganacsi ( Maaliyadeed) ah oo laba ka mid ah ay dawladdu leedahay sida uu sheegay bangiga dhexe.

Bangiyada Keenya ayaa sannado badan indhaha ku hayay suuqa Itoobiya, taasi oo ay ugu wacan tahay dadka dalkaas oo aad u badan.

Dadka Itoobiya oo tiro ahaan lagu qiyaaso 110 milyan oo qof ahna kan labaad ee ugu weyn Afrika kadib Nigeria ayaa waxa uu bixiniyaa fursado ganacsi oo muhiim ah, in ka yar 15 boqolkiiba Itoobiyaanka ayaa heli kara akoon bangi.

KCB waxay xafiis wakiil ah ka furtay Addis Ababa 2015 si ay ugu diyaargarowdo suuqa marka ay soo baxdo fursad ay ku socodsiiso hawlaha bangiyada oo dhamaystiran.

Tani waxay daba socotay heshiiskii 2012 ee u ogolaanaya bangiyada Keenya inay furaan xafiisyo wakiil ah laakiin waxay mamnuuceen inay si buuxda u shaqeeyaan bangiyada Itoobiya oo ay ku jiraan amaahinta tooska ah iyo dhigaalka.

CATEGORIES
Share This

COMMENTS

Wordpress (0)
Disqus ( )